Banaanbax maanta ka dhacay Caasimadda Galmudug + Sawirro

1717

Banaanbax looga soo horjeedo Tacadiyada gaar ahaan kufsiga ka dhaca degaanada Galmudug ayaa maanta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Ardayda Iskuullada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda aya qeyb qaatay Banaanbaxa, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin tacadiyadda loo geysto dumarka.

Banaanbaxaan ayaa yimid ka dib markii la sheegay in Koox dhalinyaro ah ay gabadh yar ugu geysteen Magaalada Guriceel Kufsi Wadareed sidda ay sheegeen dadka Banaanbaxa dhigaayay.

Banaanbaxayaashan ayaa dalbanaya in lahorkeeno maxkamad nimanka falka sameeyey si gabadhaasi cadaalad u hesho.