Banaanbaxyo xooggan oo ka billowday Hargaysa+SAWIRRO

172

Banaanbaxyo xooggan ayaa maanta ka billowday qaar kamid ah magaalooyinka Somaliland, kuwaasi oo lagu taageerayo ciidamada Somaliland, kadib jabkii dhawaan kasoo gaaray dagaalka Laascaanood.

Banaanbaxyadan oo la sheegay inay dhiiri-gelin u yihiin ciidamada Somaliland, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa qeyb ka ah qorshe xukuumadda Muuse Biixi ay dhiig cusub ugu shubeyso ciidanka ka dagaalamaya Laascaanood, oo qaarkood maxaabiis ahaan ugu gacan galay SSC.

Magaalada Hargeysa ayaa ah midda sida weyn la iskugu soo baxay, ayada oo shacabka caasimada ay iskugu yimaadeen fagaaraha kheyriyada, halkaasi oo laga jeediyay hadallo dhiirigelin iyo garab istaag loogu muujinayo ciidamada Somaliland.

“Ciidamada Somaliland dhamaantood waxaa leenahay meelkasta oo ay joogaan, waxaad tihiin geesiyaasha aan ku dhaadano, kuwa aan ku seexano ee guulaha noo soo hooya, guuleysta waan idin garab taaganahay taageera dhan walba,” ayay tiri mid kamid ah shacabka Hargeysa ee bannaanbaxyada ka dhigaya caasimada.

Mid kale ayaa sidoo kale yiri “Maanta waxaa isoo kicisay ciidankayga qaranka garab istaagiisa shucuurteyda oo maanta la maleyn kareyn, in aan muruq iyo maal intaba la garab istaago, ciidankayga qaranka waxaa leeyahay wada Faysal Bootaan oo miidhan ayaa nahay.”

Banaanbaxyadan ayaa imanaya ka gadaal markii hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu qirtay jabkii Jimcihii kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland.
Muuse Biixi oo markaas ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dheeraaday baaq uu u dirayo reer Somaliland, kaasi oo ah midnimo.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii gaaray, islamarkaana ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qabashada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland ayaa horay waxay u sheegi jireen inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxu hoggaankeeda ku dhawaaqay aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii.