Wasiir Najla Al-Manquush oo si qarsoodi ah ku baxsatay

183

Haweeneyda wasiirka arrimaha dibedda ka ah dowladda Midnimada Qaran ee dalka Libya, Najla Al-Manquush ayaa lagu soo waramay inay ka cararay caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Haweeneydaasi oo shaqo joojin lagu sameeyey, laguna amray inaysan ka bixi karin dalkaasi ayaa waxaa la soo weriyey inay si qarsoodi ah kaga dhooftay Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Macitiiqa oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Warbaahinta maxaliga ee dalkaasi ayaa sheegtay inay wasiir Najla Al-Manquush ay raacday diyaarad ay leedahay dowladda Midnimo Qaran oo ku sii jeeday dalka Türkiye.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Falcon, tirsigeedu ahaa (NO. 5ADCN) waxaa la sheegay inay saakayto ka degtay garoonka caalamiga diyaaradaha ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiye.

Dhinaca kale, wasiirka dhallinyarada ee dalka Libya, Fatxullaahi C/Ladiif ayaa si KMG ah loogu magacaabay inuu sii wado hawlaha wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi.

Haweeneyda wasiirka arrimaha dibedda Libya ee baxsatay ayaa ku eedeysan inay Kulan qarsoodi ah oo aysan fasax u haysanin la yeelatay dhigeeda maamulka Israel, Eli Cohin.

Kulankaasi oo ka dhacay Caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome ayaa waxa uu Xiisado ka abuuray gudaha dalka Libya, iyadoo ay socdaan Dibadbaxyo looga soo horjeedo Kulankaasi.

Dibadbaxyada ugu waa weyn waxay xalay ilaa maanta ka socdaan magaallooyinka Zawiya, Misrata, Tajoura, Bani Walid, Zintan, Brak Al-Shati, Sorman, Ghadames, Al-Ajeilat, Zliten, Sabratha iyo Msallata.