DAAWO:-Xisbiga UCID oo soo dhaweeyay go’aanka guddida dhexdhexaadinta

195

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay khilaafka doorashooyinka Somaliland kasoo saareen guddida dhaqanku.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo isaga oo tuute ciidan xidhan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aqbaleen go’aankii guddida dhaqanka.

“Hadaanunahay xisbiga cadaalada iyo daryeelka, waxaanu doonaynaa in aanu idin ogaysiino in aanu soo dhawaynay go’aankii guddida, anaga kiniin qadhaaq ayuu nagu ahaa, lakiin waxa la yidhi hadii shaadhkaaga lagugu qabsado waa laga gar baxaa” ayuu yidhi Faysal.

Faysal waxa uu sheegay in danta Somaliland, wadajirka iyo nabadgalyada darteed ay u aqbaleen go’aanka ay soo saareen guddida dhexdhexaadintu, shacbiga guud ahaan ayuu usoo jeediyay in ay go’aanka soo dhaweeyaan.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isaguna aqbalay go’aanka guddida dhexdhexaadintu ay soo saartay, ilaa hadana 6 kamid ah tobanka urur siyaasadeed ayaa diiday.

Ugu danbayn, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo xisbigiisa Kulmiye ayaa la sugayaa go’aanka ay ka qaadan doonaan go’aanka guddida.

Guddi dhaqan oo isku xilqaantay dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, ayaa xalay go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, ilaa iyo hada qaar kamid ah ururada cusub ayaa diiday go’aaanka guddida.