Liverpool Oo Rikoodh Ka Dhigtay

203

Liverpool ayaa dhigtay rikoor cusub oo Premier League ah ka dib markii Darwin Nunez uu dhaliyay gool guusha waqtigii dhimashada ciyaartii ay Axadii 2-1 kaga badiyeen Newcastle United.

hore ee ciyaarta la kulantay musiibo xun, iyadoo Anthony Gordon uu hogaanka u dhiibay Newcastle daqiiqadii 25aad, ka hor inta aan ciyaarta laga saarin Virgil Van Dikk 3 daqiiqo kadib.

Waxa ay ahayd markii ugu horaysay tan ilaa 2015 Liverpool kaadhka cas looga taago 2 xiddig laba kulan oo xidhiidh ah.

Inkasta oo xaalku ku xunyahay Liverpool ayaa soo laabasho samaysay iyaga oo gaadhay guul soo laabasho leh oo 2/0 ah.

Goolkii uu Nunez dhaliyay ayaa ah midkii 42-aad ee ay Liverpool ka dhaliso premier League 90 daqiiqo iyo wixii ka dambeeyay taariikhda horyaalka.