Bandow lagu soo rogey Magaalooyinka Puntland

1675

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga u qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

Guddoonka labada Guddi ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxayna ka warbixiyeen xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaargaroobey ka hortaga cudurka Coronavirus ee adduunka ku fidaya.

Go’amo kasoo baxey Shirkaas ayaa waxaa kamid ah in bandow xilliyada habeenkii ah lagu soo rogey deegaannada Puntland,kaas oo bilaabanaya 6:00 Maqribnimo kun eg ilaa 5:00 Subaxnimo.
Sidoo kale waxaa la amrey in laga bilaabo 1-da april in la joojiyo basaska ka dhex Shaqeeya Magaalooyinka dhexdooda iyo kuwa u kala gudba Magaalooyinka deegaannada Puntland.
Sidoo kale in la xadidey Goobaha dadka isugu yimaada,sida Goobaha Ciyaarah,Maqaaxiyaha lagu Ciyaaro, iyo Shirarka iyo Kulamada iyo qodobo kale.