Barcelona Oo Guul dhib badan Ka Gaartay Real Sociedad+SAWIRRO

1414


Kooxda Barcelona ayaa guul ay u rafaaday ka gaadhay kooxda Real Sociedad kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Qaybta hore:

Kooxda Real Sociedad ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Barcelona ku qaaday weeraro halis ah oo khatar galiyay kooxda kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa si hoose ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo aan qaadin weeraro hagaagsan sidoo kale ku dhibaatooday in ay gaadhaan kooxda Real Sociedad.

Daqiiqadii 27-aad ayay kooxda Real Sociedad dhalisay goolka furitaanka ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Willian Jose kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Barcelona ayaa bilowday in ay hurdada ka kacdo iyaga oo la wareegay maamulka ciyaarta waliba bilaabay in ay sameeyaan fursado cajib ah.

Daqiiqadii 31-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jordi Alba kaas oo kooxda Barcelona ciyaarta ku soo celiyay kana dhigay 1/1.

Kooxda Barcelona ayaa dhalin gaadhay gool kale kadib markii uu Griezmann xitaa goolka u jaray laakiin birta ku dhuftay.

Mar kale ayuu xiddiga Braithwaite Barcelona ka khasaariyay fursad kale oo cajiib ah iyada oo ciyaartu wali sii ahayd bar-baro 1/1 ah.

Laakiin daqiiqadii 43-aad iyada oo uu xiddiga Frenkie de Jong u dhaliyay goolka kana dhigay 2/1 ay Barcelona ku hogaaminaysay ciyaarta.

Qaybta Dambe:

Kooxda Real Socieda ayaa qaybtii dambe ahayd kooxda halista badan halka ay Barcelona lafteedu marar badan halis galisay Goolka kooxda Real Sociedda.

Inkasta oo ay labada kooxoodba sameeyeen fursado fiican waliba goolal ku dhalin kareen labada goolhaye-na sameeyeen bad-baadino fiican hadana qaab ciyaareedkooda ayaan ahayn midkii qaybtii hore oo kale.

Ugu dambayn Waxa sidaa ku dhamaatay kooxda Barcelona oo guul ay rafaaday ka gaadhay kooxda Real Sociedad kulan ka dhacay Camp Nou.