Barcelona Oo U Soo Baxday Afar Dhamaadka UEFA Champions League+SAWIRRO

1975

Barcelona ayaa Camp Nou cashar lama ilaawaan ah ugu soo dhigtay Manchester United waxaana kulankan Red Devils ceeb u soo xambaariyay Lionel Messi oo laba gool oo deg deg ah qaybtii hore ka dhaliyay halka Coutinho uu hambadii Messi dhulka la sii dhacay wuxuuna Coutinho dhaliyay goolka saddexaad ee United sida rasmiga ah ugu quus gooyay.

Barcelona ayaa soo dhaafay siddeed dhamaadka UEFA Champions League kaas oo ay saddexdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku hadhaysay iyada oo wadar 4-0 ah ku ciqaabtay Man United ee isku darka labadii kulan ee Old Trafford iyo Camp Nou.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER UNITED (4-3-1-2): David de Gea; Phil Jones, Chris Smalling, Victor Lindelof, Ashley Young; Scott McTominay, Fred, Paul Pogba; Jesse Lingard; Marcus Rashford, Anthony Martial.

Kaydka: Alexis Sanchez, Juan Mata, Romelu Lukaku, Andreas Pereira, Diogo Dalot, Sergio Romero, Nemanja Matic.

BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Arthur; Lionel Messi, Luis Suarez, Philippe Coutinho.

Kaydka: Nelson Semedo, Ousmane Dembele, Jasper Cillessen, Malcom, Arturo Vidal, Samuel Umtiti, Carles Alena.

Tobankii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay Man United ayaa u muuqaday koox si layaableh ciyaarta ku bilaabtay isla markaana waxaa loo cabsanayay Barcelona iyada oo kooxda martida loo ahaa ee Blaugrana ay si shaki ku jiro ciyaarta ku furfuratay.

Daqiiqadii 1 aad BIRTA GOOLKA! Marcus Rashford ayaa kubbad ka helay Pogba wuxuuna da’yarka reer England awooday in uu darbo deg deg ah ku tuuray goolka Barcelona laakiin Ter Stegen ayaa u muuqday mid dhayal saday oo u qaatay in ay kubbadu sare u kacday balse waxa uu arkay kubbada oo birta ka booday oo banaanka u baxday. Rashford ayaa ku dhawaaday in uu goolka furitaanka u keeno United.

Man United ayaa noqotay kooxda laga filan karayay goolka furitaanka waxayna cadaadis xoogan ku abuureen Barcelona ay tobankii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay u ahaayeen imtixaan adag laakiin United ayaa awoodi wayday in ay cadaadiskii wax ku samayso.

Daqiiqadii 10 aad Barcelona ayaa weerarkii ugu horeeyay ku soo qaatay xerada ganaaxa Man United waxaana lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu Fred u muuqday in uu qalad ku galay Rakitic laakiin garsooraha ayaa go’aankiisa badalay markii uu muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR uu dul tagay wuxuuna sidaa United kaga saaray xaalada xun ee ay gali lahayd.

Daqiiqadii 16 aad Lionel Messi ayaa qarax ka abuuray Camp Nou kadib markii uu kubbad kaga soo guulaystay Ashley Young isla markaana uu goolhaye De Gea iyo difaacyadii kale uu ku garaacay darbo xoogan oo uu lugta bidix ku tuuray, wuxuuna Messi goolkan furitaanka ku dhaliyay kubbada uu ka soo tuuray meel xerada ganaaxa ka baxsan isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Barca cadaadiskii kaga baxday.

Goolkan ayaa ceeb iyo niyadjab u keenay Ashley Young oo bartilmaameed u ahaa jamaahiirta kooxdiisa Man United oo intii ayna ciyaartu bilaamin baraha bulshada si xun ugu jeex-jeexay laakiin ceebta iyo waji gabaxa Young ayaa sii xumaaday markii uu Messi kubbada ka soo qaatay isla markaana uu goolkan ku dhaliyay.

Daqadii 20 aad Lionel Messi ayaa goolhaye De Gea ku ciqaabay qalad aan la aqbali karin oo uu sameeyay kadib markii uu xidiga reer Argentina kubbad soo dhex jiitay ciyaartoyda United isla markaana uu kubbad aan xooganayn lugta midig ku darbeeyay, laakiin kubbada uu De Gea u muuqday in uu qabanayo ayuu arkay isaga oo hawada ka buuxsaday isla markaana ay kubbadu ka hoos baxday.

Lionel Messi ayaa ciyaarta si layaableh uga dhigay 2-0 ay Barcelona ku burburisay rajadii soo laabasho ee ay Man United soo qorshaysatay wuxuuna Messi joog iyo fadhiba uu u diiday Solskjaer kaas oo daawanayay kooxdiisa oo wax walba qaldaysay.

Goolasha uu Lionel Messi dhaliyay ayaa ka dhigay in uu 24 gool ka dhaliyay kooxaha premier league kadib markii uu ka hor yimid 32 kulan wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolashiisii 9 aad iyo 10 aad ee Champions league uu xili ciyaareedkan ka soo dhaliyay.

Intaas wixii ka danbeeyay waxaa la waayay meel ay ka baxeen ciyaartoydii Man United halka Barcelona ay shaqo ka dhigatay in ay kubbada isku dhex wareejiyaan isla markaana ayna haraad badan u qabin in ay goolal isku mashquuliyaan.

Intii lagu jiray dhamaadkii qaybtii hore David De Gea ayaa ugu danbayn gool cadaan ah kooxdiisa Man United ka badbaadiyay kadib markii ay isku soo xidhmeen Messi, Alba iyo Roberto oo goolkan dhalin lahaa, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu markiiba Lionel Messi helay fursada uu goolka sadeexaad ku dhalin gaadhay laakiin kubbada shabaqa United gali lahayd ayuu Young koorne u saaray.

Man United ayaa markale isku dayday in ay raadiso qaabkii ay goolka Barcelona ku gaadhi lahayd laakiin fursado kala badh ah oo ay heleen ayayna waxba ciyaarta kaga badalin.

Daqiiqadii 61 aad Alla muxuu gool ahaa! Philippe Coutinho ayaa gool cajiib ah ku qalbi jabiyay kooxdii uu sida wayn ugula soo xifiltamay Liverpool ee Man United wuxuuna Coutinho goolashii uu caanka ku ahaa ku dhaliyay kubbad uu Jordi Alba caawinteeda ku sameeyay laakiin inta uu Smalling kubbada ka xaadhay ayuu darbo aan la badbaadin karin uu De Gea ku garaacay.

Ciyaarta ayaa noqotay 3-0 ay Barcelona ku dubanayso Man United laakiin waxaaba kaga xumayd in Man United kubbada laga dhaariyay isla markaana ay ciyaartoyda Barca u muuqdeen kuwo xerada tababarka isku kululaynaya.

Daqiiqadii 65 aad kii markii uu Solskjaer u adkaysan kari waayay waxa kooxdiisa ku dhacayay waxa uu ciyaarta ka saaray Martial oo maqane jooga ciyaarta ka ahaa wuxuuna soo galiyay Diogo Dalot halka Valverde uu daqaqiiadii 71 aad ciyaarta ka saraay Sergi Roberto wuxuuna soo galiyay Nélson Semedo.

Solskjaer ayaa daqiiqadii 73 aad kaydka ka soo kiciyay Romelu Lukaku wuxuuna saaray Marcus Rashford laakiin ciyaarta ayaa ahayd mid waqtiga dhamaadkiisa lagu sugayay laakiin Valverde ayaa isna daqiiqadii 75 aad ciyaarta ka saaray Arthur Melo wuxuuna keenay Vidal.

Daqiiqadii 81 aad Ousmane Dembele ayaa ciyaarta la soo galiyay waxaana la saaray Philippe Coutinho oo habeen cajiib ah qaatay.

Daqiiqadii 90 aad Alexis Sanchez oo ciyaara badal ku soo galay ayaa ugu dhawaaday in uu Man United gool u keeno laakiin goolhaye Ter Stegen ayaa u sheegay in uu u baahnaa fursad uu isku muujiyo wuxuuna Sanchez ka joojiyay fursada uu gool ku dhalin lahaa.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay Barcelona ku soo ceebaysay Man United isla markaana ay ugu soo baxeen afar dhamaadka UEFA Champions League. Man United ayaa laga soo cidhibtiray tartanka kooxaha Yurub waxayna hadda Barca sugi doontaa Liverpool iyo FC Porto midkii habeen danbe soo bixi doona.