Kooxda Barcelona ayaa xasuuqday kooxda Real Valladolid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo ku soo laabtay hogaanka horyaalka La Liga kadib guushii ay gaadheen.
Kooxda Barcelona ayaa si deg-deg ah ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 2-aadba dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Clement Lenglet kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Barcelona.
Laakiin kooxda Real Valladolid ayaa si deg-deg ah ugu soo laabatay ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 15-aadba dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kiko Olivas kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Barcelona ayaa sii waday goolasha iyaga oo raadinayay in ay mar kale hogaanka ciyaarta dib ula wareegaan waliba dhaliyaan goolka 2-aad.
Daqiiqadii 29-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Arturo Vidal kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.
Kooxda Barcelona ayaa sii dheeraystay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 goolkana ka dhaliyay laad xor ah.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta soona bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Qaybtii dambe ayay Barcelona sii waday dadaalka iyo raadinta goolasha ay doonayeen in ay ku badsadaan ciyaarta waxan qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 77-aad ayuu Kabtan Lionel Messi soo laabtay isaga oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee shaqsiga ahaa iyo goolkii 4-aad ee kooxdiisa Barcelona isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/1.
Ils Daqiiqadii 79-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 5-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Luis Suarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1 ay Barcelona ku hogaaminaysay ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ku gaadhay guul ay u qalmeen kulana wareegeen hogaanka horyaalka La Liga.