Bas Ay Saarnaayeen Koox Caan Ah Oo Shil Galay+VIDEO

1853

Shil gaadhi oo naxdin leh ayaa waxa uu ka dhacay waddanka Turkiga, halkaas oo uu ku burburay bas ay saarnaayeen ciyaartoyga kooxda kubadda cagta Aytemiz Alanyaspor ee ka dhisan waddanka Turkiga.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa shaacisay in baska oo ay saarnaayeen lix ka mid ah ciyaartoyga kooxdu uu burburay, ayna ku dhaawacmeen lix ciyaartoy oo loola cararay cusbitaalka, laakiin markiiba la xaqiijiyey dhimashada mid ka mid ah oo ah weeraryahanka Josep Sural oo u dhashay waddanka Czech Republic isla markaana u ciyaara xulka dalkiisa.

Baskan oo ahaa mid gaar ah oo nooca loo yaqaano caasiga oo midabkiisu madowga yahay ayay ciyaartoygu soo fuuleen garoonka kaddib markii ay dhmaatay ciyaartii xalay ay la yeesheen Kayserispor.

Lama sheegin sida ay tahay xaaladda ciyaaryahannada kale ee kooxda, laakiin baska ayaa la sheegay inuu waddada ka baxay oo uu burburay markii uu seexday darawalkii watay gaadhiga oo socday.

Guddoomiyaha Kooxda, Hasan Cavusoglu ayaa shaaciyey in shilka uu sababay darawalkii baska yar waday oo iska seexday xilli ay marayeen mid ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn.

Shilka ayaa ka dhacay meel saddex mayl u jirta magaalada Analya ee ay kooxdani ka dhisan tahay.

“Waxaanu la muruguaysanahay geerida Josef Sural oo dhimashadiisa uu sababay dhilka gaadhi ay saarnaayeen ciyaartooyo dhawr ah oo ka tirsan Alanyaspor.” Sidaas ayuu Cavusoglu ku yidhi qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Twitterka.

Cavusoglu waxa kale oo uu xusay in lixda ciyaartoy ee kale ee cusbitaalka la dhigay in xaaladdoodu aanay halis ahayn.

Ciyaartoyga dhaawaca ah waxa ku jira difaacii hore ee kooxaha Tottenham, Cardiff iyo QPR ee Steven Cauker iyo weeraryahankii Newcastle ee Papiss Cisse.

Ciyaaryahannada shilka galay ayaa la sheegay inay iyagu doorteen inay iska raacaan baska yar ee caasiga ah, halka shaqaalihii iyo ciyaaryahannadii kale ay fuuleen baska kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Sural ayaa bishii January ku biiray Alanyaspor isagoo ka tegay Sparta Prague, xulka qarankiisa Czech Republic na waxa uu u ciyaaray 20 kulan isagoo ka mid ahaa xiddigihii qarankiisa u metelay tartanka Nations League ee guul-darrada u xambaariyey Ukraine bishii October.