Chelsea oogaraacday Man City +SAWIRRO

1909

Chelsea ayaa guul ka gaartay Man City oo marti u aheyd waxa ayna ugu talaabsadeen 2/1 waxa ayna tani si rasmi ah Liverpool uga dhigtay kooxda horyaalka Ingiriiska ku guuleystay xilli ciyaareedkaan , waxa ayna taageeryaasha Liverpool u dabaal degeen guusha horyaalka oo 30 sano ka maqneyd kooxdaas

Sheekada Labada Qeyb: Ka dib qalad weyn oo ka dhacay daafaca Man City ,Chelsea ayaa Man City nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif ah kaasi oo u si cajiib ah uu u n dhaliyay Christian Pulisic kaasi oo la baxsaday kubad ay isku haleeyeen Meny iyo Guendogan.

City iyaga ayaa ku dhawaa in gool ku helaan Chelsea xilli daqiiqadii 10-aad laga abd baadiyay fursad gool xaqiiq aheyd waxaana sidaas sameeyay goolhayaha Chelsea.

Sidaas oo ay tahay waxa ay labada koox soo bandhigeen ciyaar geesinimo leh xilli daafac ahaan Chelsea ay aad u wacnaayeen .

Man City inkastoo mararka qaar ku sareyeen maamulka kubadda hadana ma jirrin halis gillin ay ku sameeyeen goosha Chelsea .

Qeybta labaad , si deggan ayay ciyaarta ku bilaabatay xilli Chelsea daafaca ahaan ay foojignaayeen xilli City ay maciin bidayeen kubadaha laad

City waxa ay daqiiqadii 55-aad soo giliyeen Jesus iyo David Silva oo loo saaray Bernando Silva iyo Rodri waxaana lagu soo dhaweeyay gool cajiib ah oo Free Kick ahaa waxaana daqiiqadii 56-aad saxiixay Kevin De Bruyne.

Ka dib goolkaas , City iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse ma jirrin xal ay kubadda ku gaarsiiyaan aagga goosha Chelsea kuwaasi oo daafac ku jiray , waxa ayna City soo giliyeen Zinchenko oo loo badlay Mendy xilli Chelsea soo giliyeen Abraham oo daqiiqadii 62-aad loo badalay Giroud

Chelsea waxa ay maciin bidiyeen kubadaha rogaal celiska ah waliba waa ay sigeen shabaqa City balse qaab dirqi ah ayaa lagu bad baadiyay .

Labada koox waxa ay daqiiqadadii 74-aad soo giliyeen Otamendi oo lo saaray laporte halka Chelsea ay soo giliyeen Kovacic oo loo saaray Barkley

Chelsea waxa ay u dhawanayeen gool daqiiqqadii 76-aad Abraham ayaa gool laga abd baadiyay waxaa ku celiyay Christian Pulisic balse waxaa gacanta ku soo bixiyay Feranndinho , ka dib VAR ayaa la eegay rigoore ayaa loo dhigay Chelsea xili kaar casna la siiyay Fernandinho waxaana goolka rigoorada daqiiqadii 78-aad dhaliyay Willian
Ka dib goolkaas , Chelsea horay ayay u soo dhaqaaqayeen waliba goolal kale ayay raadinayeen.

Ka dib goolkaas labaad , City waxa ay u muuqdeen kuwo is dhiibay mana jirrin isku day ay sameynayeen xilli ciyaarta ay ku dhamaatya 2/1 oo ay Chelsea ku abdiyeen sidaasna ay Liverpool ku qaadeen horyaalka oo 30 sano ka maqnaa.