Beesha caalamka oo Dowladda Somalia uga digtay in si khaldan loo maamulo doorashada Galmudug

1870

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Beesha caalamka ay uga digtay Dowladda Federaalka in aan si wanaagsaneyn loo maareeyo soo xulista xildhibaanada doorashada Galmudug ee wasaaradda diyaarinteeda ay ka waddo magaalada Dhuusomareeb.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa noo xaqiijiyay in xubno ka tirsan beesha caalamka ay xiriir ay la sameeyeen wasiirka arrimaha gudaha una sheegeen in la joojiyo wax loogu yeeray boob iyo xoog wax ku maalid oo ka socda Dhuusamareeb, kuwaas oo la sheegay in ay wadeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug.

“Beesha caalamka ayaa si deg deg ah usoo faragelisay doorashada markii la shaaciyay liiska odayaasha waxayna ka digtay inay Dhuusomareeb ka dhacdo doorashadii Baydhabo oo kale” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo arrintan xog ogaal u ah.

“Waxay soo jeediyeen in la dhaqan geliyo rabitaanka dadka degaanka, iyo la qabto doorasho xor ah oo aan ku jirin xoog iyo wax isdamarin sidii ka dhacday Baydhabo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanka.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan xubno ka socda beesha caalamka islamarkaana ay u kuur galaan sida ay socoto doorashada Galmudug.

Xubnahaan ayaa la kulmi doono odayaasha degaanka, Ahlu-Sunna iyo qaybaha bulshada iyagoo sidoo kale kulmi doono dowladda iyo xubnaha mucaaradka ah ee degaanka laga soo doortay, kuwaas oo u badnaan doono xildhibaanada Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay hadda hakad ku jirto soo xulista baarlamaanka Galmudug islamarkaana la sugayo xubnaha beesha caalamka ee ku wajahan Galmudug.

Xubnaha beesha caalamka ayaa sidoo kale la filayaa inay goobjoog u noqdaan heshiis cusub oo la filayo inay kala saxiixdaan dowladda iyo Alu-Sunna, kaasi oo Ahlu-Sunna loogu ogolaanayo soo xulista qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug.