Lazio Oo Garaacday Juventus Markii Ugu Horaysay 16 Sano +SAWIRRO

2108

Kooxda Lazio ayaa Juventus ka gaadhay guusheedii ugu horaysay muddo 16 sano ah kulankii ka dhacay garoonka Stadio Olimpico kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Juventus ayaana sidaas kula gulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan kulan ka tirsanaa todobaadkii 15-aad ee horyaalka Serie A-da.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh iyada oo labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah waliba qaybti dambe ee ciyaarta.

Juventus ayaa goolka ku hor martay kadib markii uu Cristiano Ronaldo daqiiqadii 25-aad u dhaliyay goolka laakiin Lazio ayaa ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Luiz Felipe kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd Mid shidan dhanka labada kooxba:

Daqiiqadii 69-aad ayaa ciyaarta kaadhka cas looga saaray xiddiga Juan Cuadrado kaas oo Juventus kaga tagay 10 xiddig oo kaliya waxana ay Lazio ka faa,iidaysatay arintaas.

Daqiiqadii 74-aad ayay Lazio dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sergej Milinkovic-Savic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Lazio ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Lazio ayaa daqiiqado kadib heshay fursad ay ku dhalin karto gool kale kadib markii loo dhigay rikoodhe laakiin Goolhayaha kooxda Juventus ayaa badbaadiyay.

Laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayay Lazio dhalisay goolka ciyaarta dilay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Felipe Caicedo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.