Man United Oo garaacday Man City +SAWIRRO

2444

Man United ayaa nasiinada ugu dirtay Man City laba gool nadiif ah waxa ayna wiilasha Ole Gunner marti ku ahaayeen kullan ka tirsan wareegga 16-aad ee horyaalka Ingiriska .

Labada koox ayaa ciyaarta ku bilaabay qaab deg deg ah si wacan ayayna labada dhinac isugu balaarinayeen garoonka inkastoo City ay cagtooda ku daaheysay kubadda balse halis gilin ma aysan sameyn.

United waxa ay ku tiirsanaayeen kuabadaha deg deg ah ee rogaal celiska ah waa ayna ku halis gilinayeen iyadoo bloowgii dhowr fursad oo xaqiiq ah uu ka bad baadiyay goolhayaha City kaasi oo aad u foojignaa .

Ilaa sedex fursad xaqiiq ah ayuu goolhayaha City u diiday United balse sida muuqatay City waa u nuglaayeen goolal marka la eego sida looga wacnaa abuurista kubadaa halista ah waxaana goolkii koowaad lagu helay daqiiqaddii 20-aad waxa ayna aheyd rigoore .

Rashford ayaa dhaliyay waxaana qaladkaas sameeyay Bernando Silva oo Rashford taakeeyay , waxa ayna United ay soo bandhigeen kubad iskun xeran dhan waliba xilli ay jireen fursado United ay iska qasaarinayeen .

Daqiiqaddii 26-aad kubad cajiib aheyd ayuu Rashford ku qajafeeyay goosha City balse bitrta ayay ka dhacday , waxa ayna City ka sheeganayeen in fursado xaqiiq ah abuuraan isla markaana si sax ah kubadda u gaarsiiyaan goosha Man United .

Mar kale, Man City gool labaad ayaa lagu helay Martial ayaa ka dhaliyay ka dib kubad rogaal celis aheyd waxaana ka muuqaday qalad weyn oo dhanka daafaca City ah , waxa uuna goolkaas yimid daqiiqaddii 29-aad

City dhamaadkii qeybta hore laba fursad ayay heleen balse uma suura gilin in ay gool u turjumaan , waxa ayna dhamaadkii tagayeen shabaqa United balse De Gea aya joogay waxaana lagu nastay labadaas gool ee lagu lahaa Man City , waxaan xusid mudasn in kubad haysashada City ee qeybtaas hore ay gaartay heer dhan %65 .

Man City ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga maamulayay ciyaarta waliba qaadayay weeraro Naxariis daro ah halka ay Man United raali ka ahayd in ay difaacato labada gool waliba qaado weeraro Rogaal celis ah oo ay City mar kale kaga dhaliyaan gool.

Xiddigaha Man United ayaa daqiiqadii 54-aad isku khal-khalay waxana uu Kevin De Bruyne helay fursad cajiib ah laakiin Victor Lindelof ayaa saameeyay bad-baadin fiican.

Daqiiqaddi 63-aad gool cajiib noqon lahaa ayaa waxaa City u diiday De Gea oo koorno u saaray , waxa ayna City daqiiqaddii 60-aad soo giliyeen Otamendi oo loo saaray Stones halka daqiiqaddii 64-aad ay soo giliyeen Mahrez oo loo badalay Bernardo Silva .

Is badel weyn ayaa ka muuqday hanaanka ciyaarta labada koox , United dib ayay gurteen halka City baxsad ahaayeen balse dhameystirka ayaa ka maqnaa , waxa ayna United daqiiqaddii 73-aad saareen Martial iyaga oo soo giliyay Pereira.

United si weyn ayay daafca ahaan isugu xernayeen kubad waliba oo ay City soo dhisaan waa ay kala jarayeen waxa ay United u muuqdeen kuwo ay ka go`antahay in ciyaarta ku dhameeyaan labadaas gool.

Badelka City waxa uu muuqday mid gool keeni kara balse daafaca United dhufeys adag ayay galeen waana caqabdda hor taagneyd City , sidaas oo ay tahay United kubadaha rogaal celiska ah ayay ku badi goobeysay gool sedexaad

Xilli xaalka sidaas ahaa , gool ayay heleen daqiiqaddii 84-aad waxaana dhaliyay Nicolas Otamendi ka dib kubad koorno aheyd ee uu soo qaaday Mehraz waxa ayna ka dib City soo giliyeen Ilkay Gundogan oo loo badalay Rodri, waxa ayna ka dib City sigayeen shabaqa United .

United daqiiqadii 88-aad waxa ay soo sameeyeen laba badal waxa ayna soo soo giliyeen Ashley Young iyo Tuanzebe oo loo saaray Shaw iyo Lingard.

City dhamaadkii kubadda iyaga aya ahaystay balse waxaa loga dhameeyay 2/1 waa guul daraddii afarad ee horyaalka ee qabsata xili ciyaareedkaan.