DAAWO:- Bilaal Bulshaawi oo lagu dhaawacay Muqdisho

242

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay fiidkii agagaarka isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi, oo ah wiil caan ka ah baraha bulshada gaar ahaan barta Tiktok.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa rasaas la dhacay Bilaal Bulshaawi iyo wiil kale oo la socday, waxaana wararku sheegayaan in labada wiil goobta laga qaaday iyaga oo dhaawacyo qaba.

Kooxdii weerartay wiilashan dhallinyarada ah ayaa goobta si degdeg ah uga baxsaday, waxaana halka lagu dhaawacay Bilaal Bulshaawi iyo wiilka la socday soo gaaray ciidamo katirsan oo baaritaano goobtaasi ka sameeyay.

Bilaal Bulshaawi ayaa ah wiil kusoo caan baxay barta Tiktok ay si weyn u isticmaalaan dhallinayarada caalamka, waxaana wiilkan dhallinyarada h loo aqoonsan yahay Madaxweynaha Tiktoka ee Soomaaliya.