Dhageyso:- Korneel Shariif Roobow Wasiir Ducaale waa fashilmay, ha is-casilo

1631

Korneel Shariif Roobow oo ah khabiir dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ay qaadaneyso wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Korneel Shariif in dowladda federaalka looga baahan yahay iney la timaado siyaasad amni oo ka duwan midda hadda ay wax ku hagto.

Sidoo kale, Roobow ayaa ugu baaqay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale in uu xilkaasi iska casilo, islamarkaana warqaddiisa ruqsada u geeyo ra’iisul wasaare Kheyre.

Wasiir Ducaale ayaa ka mid ah wasiirada ugu dhow madaxweynahan Soomaaliya, waxaana dadka qaar ay u arkaan inuu yahay lama taabtaan, aan cidna aysan la hadli karin.

Si kastaba, Korneel Roobow ayaa sheegay in qaraxyadu ay sii badanayaan, oo ay joogto noqdeen, sidaas darteedna xubnaha mas’uulka ah amniga ay qirtaan fashilkooda oo ay xilka u dhiibaan ka shaqo wanaagsan.