DAAWO:-Batuulo Gabale “Wasiirka Haweenka waxay Igu tiri 5 Kun Dollar Bil Walbo qaado

2061

Gudoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa waxay sheegtay in Dawlada Xubno ka mid ah Ay Dagaal Qaawan kusoo qaadeen.

Waxay ka hadashay Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Xubnaha Ururkaasi gudaha Muqdisho kuwaasi oo war kasoo saaray Arin Saameynteeda leh sida ay warka udhigeen.

Batuulo waxay sheegtay inay Xiriirka ujareen Wasaarada Haweenka Qaranka Soomaaliyeed maadaama ay qabaneyso shir aan aayaha Haweenka looga hadleynin berrina ka furmaya Muqdisho.