
Booliiska Somalia gaar ahaan kuwa Caasimada Muqdisho ayaa soo qabtay shabakad burcad ah oo mudo dhac ka geysaneysay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir .
Shabakadaan Burcada ah ayaa ahaa koox iskubxiran kuwaasoo dhac ka geysan jirey Degmooyinka Daarusalaam , Garasbaaley, Dharkeenley iyo Kaxda.
Wararka ayaa tilmaamaya in soo qabashada Shabakadaan uu Booliiska u fududeeeyay mid ka mid ah burcada oo saaka lagu qabtay Degmada Daarusalaam xili marka la soo qabanayay ciidamadu dileen oo nafta dhaafiyeen laba burcada ka mid ahaa.
Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Booliiska ayaa laga soo xigtay inay ka taqaluseen shabakad halis ku ahayd bulahada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.




















