
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa soo xirey oo xabsiga soo dhigay nin ku eedeysan di iyo dhaawac hore uga dhacay gudaha degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan,waxaana jira tuhun weyn oo ah inuu isagu ka danbeeyo dilkaasi.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo C/fataax Shaafici Daahir dilka loo heysto wuxuu dhacay 20-kii May 2026,waliba si ula kac ah inuu u dilay marxuum Cali Faarax Daahir Wabi oo ahaa nin Odey ah,sidoo kale waxaa loo heystaa inuu dhaawac u geystay Cabdi Jimcaale Garood.
Eedeysanaha oo doonayay inuu baxsado ayay Booliisku ka qabteen deegaanka Ceelmacaan xili uu ku safrayay gaari,waxaana lagu wadaa in dhawaan sharciga la hor geeyo si eeda loo heysto lagu cadeeyo ama uu isaga bari yeelo.
Boliiska Dalka ee ku kala sugan caasimada iyo Gobolada Dalka qaarkood ayaa aad isugu xiran waxayna leeyihiin wada shaqeyn joogta ah oo dhanka Amniga ah.





















