C/llaahi Cumar Abshirow oo noqday Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS

866

C/llaahi Cumar Abshirow  ayaa ku guuleysatay doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka 11aad ee Somalia ka dib markii uu ka adkaaday musharaxii la tartamayey Mahad Cabdalla Cawad oo xilkaas hayey 9kii sano ee la soo dhaafay.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa la sheegayaa inuu sababsaday taageerada siyaasadeed ee uu siinayey Villa Somalia sanadihii uu ahaa Gudoomiye kuxigeenka labaad.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa helay codad gaaraya 95 halka C/llaahi Cumar Abshirow ay guushu ku raacday 146 cod sida uu sheegay gudoonka golaha shacabka Somalia