Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya

742

Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashadii guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka, waxaana ku guuleysatay Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Natiijada hordhaca ayaa sheegeysa in markii ugu horeysay taariikhda Somalia ay ku guuleysato haweeney guddoonka baarlamaanka Somalia, iyadoo Xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin Samatar ay ka guuleysatay murashaxii la tartamayay ee Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) inkastoo weli cododka la tirin.

Labada murashax waxaa taageerayey isbaheysiga mucaaradka ayada oo musharaxiintii ay wadatay Villa Somalia ay ku hareen wareegga koowaad.

Sacdiyo Yaasiin ayaa waxaa lagu xusuustaa inay caan ku aheyd doodaha baarlamaankii 10- inaad ka dhex muuqato iyadoo fikirkeeda ay ku dhaliili jirtay guddoonkii hore ee baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo.