C/raxmaan Cirro oo sheegay inay fulinayaan heshiiskii badda ee Itoobiya

63

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Waqooyiga Somalia C/raxman Cirro ayaa la sheegay inuu ku raad joogo heshiiskii badda ee Madaxweynihii kaga horeeyay maamulka Muuse Biixi uu la galay Itoobiya sanadkii 2024-kii bilowgiisii kaasoo muran badan ka dhex dhaliyay Dowladaha Somalia iyo Itoobiya ugu danbeyna laga adkaaday Abiy Axmed.

C/raxmaan Cirro sida xogaha qaar sheegayaa wuxuu in hada uu meel gabo gabo ah u marayo inay ku laabtaan hirgelinta heshiiskaasi walow uusan si rasmi ah warbaahin caalami ah iyo mid maxali ahba uusan kaga hadlin arintaani.

Wararka Ciro laga soo tabinayo waxay intaasi ku darayaan in heshisku uu salka ku hayo ganacsiga iyo adeegsiga marinnada badda taasoo aan la ogeyn sida ay u dhaqaajin karaan madaa dhul ,cir iyo bad-ba dhulka Somaliya ay masuul ka tahay Dowlada Soomaaliya islamarkaana uusan maamulka Gobolada Waqooyi waxba ka badeli karin.

Dagaal diblomaasiyaadeed ayay Dowlada Somalia kaga adkaatay Itoobiya sanadkii 2024-kii xili hada Dowlada Somalia iska dhistay dhanka ciidamada Cirka bada iyo dhulka iyagoo garab ka helaya Dowlada Turkey.