Cabdi Xaashi oo noqday Senatarkii koowaad ee loo doortay kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi

1130

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Xubanaha Aqalka Sare ku matalaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana maanta la dooranayaa ilaa lix Senator.

Kursigii ugu horeeyay waxaa ku tartamayay labo musharax oo kala ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Musharax Siciid Cumar Xuseen.

Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Gobolada Waqooyi waxaa u codeenaya ilaa 44-ergo oo laga soo xulay gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxa ayna ergadan dooranayaan 11-ka senator ee Aqalka Sare ku leeyihiin gobolada Waqooyi.