Cabdirashiid Janan oo Nairobi gaaray

1920

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland oo loo yaqaanno Janan, ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka Kenya.

Diyaarad khaas ah oo ay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland la socdeen looga soo qaaday magaalada Kismaayo.

Janan oo baxsashadiisa si weyn loo hadal hayay ayaa la sheegay inuu hadda nabad qabo, wuxuuna ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo.

Cabdirashiid Janan oo dhawan ka baxsaday xabsi ay ku heysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii hore ee maanta la sheegay in uu gaaray magaalada Kismaayo, sida ay ku warrameen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Sida ay booliska Soomaaliya sheegeen, Janan ayaa ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa ee Muqdisho, 28-kii January ee 2020-ka.