Cabdiraxmaan (Xudeyfi) oo loo magaacaabay afhayeenka cusub ee Villa Somalia

93

Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Somalia.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Xassan (Xudeyfi) loogu magacaabay inuu noqdo afhayeenka cusub ee Villa Somalia.

Cabdiraxman Max’ed Xassan (Xudeyfi) ayaa ka mid ahaa suxufiyiintii rug cadaaga ahaa ee ka soo shaqeeyey warbaahinta madaxa banaan ee xiligii burburka ka hanaqaaday magaalada Muqdisho gaar ahaan idaacada Banaadir iyo idaacadii Somaliweyn oo uu agaasime ka ahaa.

Xudeyfi oo sanadahan dambe ka mid ahaa qurbajoogta ku nool qaarada Yurub ayaa dhowaan ku soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu mudooyinkan ku sugnaa.