Dibadbax weyn oo ka dhacay Muqdisho +Sawirro

90
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka, kaas oo haatan maraya marxaladii u dambaysay ee ansixinta.
Dibad-baxan waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qayb-galay shacab isaga kala yimid degmooyinka gobolka iyo mas’uul kala duwan.
Mas’uuliyiinta goobta tegay waxaa kamid ah madaxda maamulka gobolka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda dhexe oo hadallo ka jeediyay halkaasi.

Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa khudbad uu ka jeediyay dibada-baxan oo si gaar ah uga qabsoomay Taalada Daljirka Daahsoon ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, ayna wakiil uga yihiin xildhibaanada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ansixinta dastuurka ay ka dhigan tahay in shacabka ay heli doonaan xuquuqdooda, gaar ahaan gobolka Banaadir.

“Soomaaliya waxaa dastuurka wakiil uga ah labada Aqal ee baarlamaanka, go’aanka iyaga ayaa iska leh, xubnaha diidan shaqada socota aragtidooda ha geeyaan kulamada Baarlamaanka.” ayuu khudbadiisa yiri guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa isna ugu baaqay shacabka Muqdisho inay garab istaan dowlada Soomaaliya, si uu u dhaqan galo qorshaheeda ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo kamid ah wasiirada ka qayb-galay dibad-baxa ayaa weerar afka ah ku qaaday xubnaha mucaaradka ee diidan wax ka beddelka dastuurka, isaga oo ku eedeeyay inay hortaana yihiin xuquuqda shacabka iyo dalka horumarkiisa.

“Qof kasta ha ogaado, dadka diidan dhameystirka dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado.” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Isku soo baxan ayaa kusoo aaday, xilli haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay dhameystirka dastuurka oo ay isku hayaan madaxweyne Xasan iyo xubnaha mucaaradka.