Taakeeye oo xukun yaableh lagu riday

72

Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) oo lagu soo eedeeyey aas-aasida xisbi uu ugu magacdaray Talo-kunool, oo xambaarsan fikrad xagjir ah ayaa maanta la xukumay.

Ninkan oo loo soo xiray faafinta fikradaha gurracan ee lidka ku ah Diinta, dalka iyo dowladnimmada iyo sidoo kale taageeridda ficilada foosha xun ee argagixisada, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya 28-kii September 2023.

Taakeeye ayaa waxa uu baraha bulshada ku gudbin jiray fikirkiisa gurracan ee gaaleysiinta ah, isaggoo ku tashkiilin jiray caamada in ay soo raacaan xisbigiisa Talo-kunool.
Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab online ah, isaggoo Whatsapp-ka ku faafiyey fariimo lid ku ah dowladnimmada iyo inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, isna waxaa la qabtay 28-kii bishii September 2023.

Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur (Sandheere) ayaa isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay online ka, Waxa uu isku dayey in uu marin habaabiyo laamaha amniga isaga oo sheegtay in uu yahay isa-soo dhiibe Shabaab ah, waxaana la xiray 20-kii bishii December 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 14-kii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray saddexda eedeysane, Sufyaan Taakeeye waxaana lagu xukumay 2 sano oo il ku hayn ah, halka ex-Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha ciidanka xoogga.

Sidoo kale maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere), sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamadda qalabka sida.