Cali Xoosh oo u jawaabay Saciid Deni

14

 

Wasiirka arimha gudaha Somalia Cali Xoosh ayaa bartiisa facebook ku soo gudbiyay qoraal uu kaga jawaabayay war maanta ka soo yeeray Saciid C/laahi Deni oo ah Madaxweynaha Maamulka Puntland kaasoo si weyn eedeyn ugu jeediyay Madaxweyne Xasan sida inuu qalqal amni ka abuurayo deegaanada Puntland.

Hadaba qoraalka Wasiirka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Hogaamiye Siciid uma hadlin shacabka Puntland, balse Wuxuu u hadley Damaciisa Shaqsiga ah

Khudbaddii uu maanta ka jeediyey Golaha Wakiillada Puntland waxay aheyd khudbad ku dhisan caro siyaasadeed, marin-habaabin iyo isku-day uu ku qarinayo fashilka hogaamintiisa.

Waxay aheyd khudbad loogu talogaley in lagu abuuro cabsi-gelin, lagu huriyo kala-fogaansho bulsho, laguna sumcad dilayo deegaano gaar ah, salkana ku haysa hurin colaad sokeeye.

Kamuusan hadlin wax Puntland dan u ah, wuxuu keliya xooga saarey qorshaha iyo xisaabtiisa siyaasadeed si uu Puntland uga dhigto aalad uu ku difaaco damacyadiisa gaarka ah iyo ku daneysi shaqsi ah. Wuxuu ku howlan yahay burburinta heshiisyaddii ay ku wadda joogeen shacabka Puntland, wuxuu siyaasadeeyey amnigii gudaha Puntland. Wuxuu jeediyey eedo faro badan, isagoo raba in uu kaga baxsado su’aalaha ka immaanaya xildhibaanada barlamaanka iyo shacabka Puntland.

Wadajirka iyo midnimada dalka, hogaamiye Siciid wuxuu ka dhigtey kaar siyaasadeed oo uu ku gorgortamo, marka siyaasadu kusoo adkaato. Haddii danihiisa shaqsiga ah la tixgeliyo, wuxuu leeyahay midnimada hala illaaliyo, haddii uu dantiisa shaqsiga ah arki waayana wuxuu bilaabaa handadaad ah ‘dalka ayaa kala tegaya’. Midnimada iyo wadajirka dalka, waa heshiiska ay ku wadda joogaan shacabka reer Puntland, waana arinka lagu aasaasey. Ma ahan aalad lagu gorgortamo si loogu helo dano gaar ah iyo u adeegida danaha dalal shisheeye.

Hogaamiye Siciid wuxuu ku celceliyey eeda ah ‘wixii heshiiska lagu ahaa ayaa laga baxay.’ Haddii ay taasi run tahay, isaga ayaa ugu horreeyey qofkii heshiisyada dowlad dhiska jabiyey. Isaga ayaa khudbadiisa maanta ku qirtey in laga soo bilaabo sanadkii 2022 uu ka soo horjeeday qorshayaasha dowlad-dhiska Soomaaliya, go’doona ku geliyey Puntland oo ahayd hormuudka dowlad dhiska, sababtuna waxa weeye, wax kasta oo uusan ka dhex arkin dantiisa gaarka ah, wuxuu ku tilmaamaa burburin federaal, waxkasta oo damaciisa xoojinayana wuxuu ugu yeeraa difaaca Puntland.

Waxaa yaab leh in qofkii hoos u dhigey hannaankii Puntland uu maanta iska dhigo difaacaha Puntland. Hogaamiye Siciid wuxuu horey si khaldan ugu beddelay dastuurkii Puntland, wuxuuna ku daadiyey dhiiga shacab gaaraya illaa 40 qof, weli cidna kama wada xisaabtamin. Maanta, mar kale ayuu rabaa in uu bedesho dastuurka, iyadoo weli dhibkii hore ee uu geestay ay weli taagan tahay, balse dhib kale oo uu soo celiya waxay noqon doontaa mid taariikhda meel adag ka geli doonta.

Hogaamiye Siciid wuxuu burburiyey haykalkii siyaasadeed ee Puntland. Wuxuu wiiqay kalsoonidii bulshada. Wuxuu laaley dhaqankii wada-tashiga iyo wada-lahaanshaha. Wuxuu dhaawacay hay’adihii sharci-dejinta, garsoorka iyo amniga. Wuxuu isku koobey awoodii dowladnimada, isagoo meeshii kasaarey shaqadii hay’adihii kala duwanaa ee u adeegi lahaa shacabka Puntland.

Wuxuu ciidamaddii Puntland ka dhexsameystay afar ciidan oo beeshiisa hoose ah ayna taliyayaalna ka yihiin. Wuxuuna gacanta u geliyey dhaqaale iyo hubkii loogu talo galey ciidamada guud ee Puntland.

Khudbadiisu waxay ahayd hadalo lagu mashquulinayo shacabka Puntland, cadowna looga dhigayo dowladnimada dalka iyo hay’adaha federaalka, si looga jeediyo waxqabad la’aanta jirta iyo aragti yarida hogaamintiisa. Kamuusan hadlin wax dan u ah mustaqbalka deegaanada Puntland.

Puntland waa tiir Soomaaliyeed. Shacabkeedu waa dad dowladnimo, midnimo iyo sharafta qaranimada dalka ku suntan. Looma adeegsan karo aalad lagu gorgortamo marka la waayo danaha gaarka ah iyo u adeegida danaha dalalka shisheeye.