Ceyrintii Jose Mourinho oo kubaxday 19.6 milyan oo giniga

1839

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ceyrintii tababareheedii hore ee Jose Mourinho waxaa kaga baxday 19.6 milyan oo giniga istarliinka ah (25.8 milyan oo dollar) sida lagu ogaaday warbixin xisaabeed ka soo baxday naadiga Manchester maanta oo Khamiis ah.

Mourinho ayaa shaqada laga eryay bishii December ee sanadkii hore, waxanaa si kumeel gaar ah loogu beddelay macallin Ole Gunnar Solskjaer, waxaana Mourinho uu heshiiskiisu ku ekaa 2020-ka, iyadoo lagu qandaraaskiisiina lagu burburiyay 15 milyan oo gini (19.2 milyan oo dollar).

Lacagta dhiman ee 4.6 milyan oo Pound (5.8 milyan oo dollar) waxa ay ku baxday istaafkii la shaqeynayay Mourinho oo ay ka mid ahayeen Silvino Louro, Carlos Lalin, Ricardo Formosinho, Giovanni Cerra iyo tababarihii dhanka caafimaadka Stefano Rapetti kuwaasoo iyaga dhan kooxda ka tegay.

Tababaraha dhanka goolhayeyaasha MU, Emilio Alvarez ayaa isagu weli ku haray Old Trafford, waxaana uu qayb ka noqday shaqaalaha la shaqeynaya Solskjaer.

Tan iyo markii tababarihii Bortuqiiska ee Jose Mourinho uu ka carraabay Manchester United waxaa macallin Solskjaer iyo ciyaartoydiisu ay guuleysteen 10 kulan oo ka mid ah 12-kiisii kulan ee ugu horreeyay, waxaana United ay sare ugu soo kacday xagga kala sarreynta dhibcaha Premier League iyadoo timid kaalinta afaraad.