Chelsea & Burnley oo isku garabdhacay +SAWIRRO

2174

Chelsea ayaa barbaro niyadjab leh Stamford Bridge kula gashay kooxda Burnley iyada oo Blues iska lumisay fursad dahabi ahayd oo ay ugaga faa’iidaysan kartay guuldarooyinkii soo gaadhay kooxaha ay kaalmaha sare kula tartamayaan.

Inkasta oo ay afar gool iska dhaliyeen kooxaha Chelsea iyo Burnley qaybtii hore ee kulankan, haddana waxay Blues awoodi wayday in ay keensato goolka ay guul muhiim ah ku heli kartay oo kaalmaha sare ka caawin lahayd.

Chelsea ayaa kaalinta afraad soo gashay inkasta oo ay 35 kulan ciyaartay waxayna Blues dayacday fursad muhiim u ahayd tartanka ay kaalmaha sare ugu jirto.

BURNLEY (4-4-2): Tom Heaton; Matthew Lowton, James Tarkowski, Ben Mee, Charlie Taylor; Jeff Hendrick, Jack Cork, Ashley Westwood, Dwight McNeil; Chris Wood, Ashley Barnes.

Kaydka: Joe Hart, Kevin Long, Ben Gibson, Robbie Brady, Johann Gudmundsson, Stephen Ward, Matej Vydra.

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Andreas Christensen, David Luiz, Emerson; N’Golo Kante, Jorginho, Ruben Loftus-Cheek; Callum Hudson-Odoi, Gonzalo Higuain, Eden Hazard.

Kaydka: Davide Zappacosta, Olivier Giroud, Pedro, Mateo Kovacic, Gary Cahill, Willy Caballero, Ross Barkley.