Chelsea Oo booska Sedexaad ee piriam leage soogashay +SAWIRRO

1565

Chelsea ayaa guul ay u qalantay wax aya ka gaareen Leicester City oo ay uga talaabsadeen 2/1 waxa ayan guushaas istaajisay booska 3-aad iyaga oo hal dhibic ka sareeya kooxda ay guuleysteen

Sheekada labada qeyb : Chelsea iyo Leicester City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli wiilasha Tochel ay ka hiilisay VAR

Chelsea kubad cadaadis leh ayay ciyaareysay halka kooxda martida ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxaana mar waliba halis ahaa Chelsea.

Laba jeer ayay Chelsea VAR ka diiday kubado shabaqa dhigeen , iyaga ayaana ku sareeyay maamulka kubadda heer dhan %68

Chelsea daqiiqadii 32-aad waxaa dhaawac loo saaray Kante oo lagu badalay Kovacic waxa ayna kooxda Leicester City qorshahooda ahaa daafac iyo rogaa celis ah.

Leicester City waxa ay ka sheegteen in kubadda si sax ah u soo gaarsiiyaan aagga goosha Chelsea halka kooxda groonka iyana ay dhib ku qabeen qasaarinta fursado .

Soo laabashadii, Chelsea cadaadiska ayay sii xoojiyeen ilaa ay keeneen gool uu dhaliyay Antonio Ruediger daqiiqadii 47-aad

Kooxda martida waxaa laga haystay qadka dhexe kubadana maamulkeeda waa looga sareeyay kaliyana rogaal celis ayay maciin bidiyeen xilli ay u nuglaayeen gool labaad

Cadaadiska Chelsea waxa uu keenay in qalad ay galaan kooxda Leicester City waxa ayna heleen rigoore uu gool u turjumay Jorginho daqiiqaddii 67-aad

Kooxda martida ma quusan waxa ayan ka faa`ideysanayeen ciyaartooyda Chelsea oo aka hore u soo baxayay ilaa mid ka mid ah ciyaartooda Chelsea uu qalday kubad waxaana ku yimid gool lagu helay daqiiqadii 76-aad waxaana saxixay Iheanacho .

Ka dib goolkaas hanaan ciyaareedka kooxda martida waa uu wacnaaday halka Chelsea daafac xirteen , waxa ayna daqiiqadii 88-aad saareen Azpilucuete oo loo saaray Zouma halka daqiiqadii 90-aad la soo giliyay Giroud oo loo saaray Warner.