Chelsea Oo Garaacday Atletico Madrid +SAWIRRO

1623

Kooxda chelsea ayaa garaacday kooxda Atletico Madrid kulan ay si weyn u maamulaysay bilowga ilaa dhamaadka ciyaarta kana tirsanaa champions League.

Qaybta Hore:

Chelsea ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo maamulayay ciyaarta xilli Atletico Madrid 10 xiddig ku difaacanaysay kubada.

Kooxda Atletico Madrid ayaa u muuqatay kuwo doonayay in ay bar-baro kala baxaan kulanka oo aan wax gool ah laga dhalin si waali ahna u difaacanayay.

Kooxda Chelsea ayaa dhankooda wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen laakiin Atletico Madrid ayaa si fiican goolkooda u difaacatay.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo chelsea wax walba u sameeyeen sidii ay gool u dhalin lahaayeen.

Qaybta Dambe:

Kooxda Tababare Thomas Tuchel ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay sidii qaybtii hore iyaga oo ay ka go’nayd in ay dhaliyaan goolal.

Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa ku faraxsanaa bar-baraha waxana ay kaliya ku jireen difaac iyaga oo aan qaadin weeraro badan.

Daqiiqadii 68-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo gool qurux badan oo maqas ah dhaliyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Atletico Madrid kuwaas oo goor dambe bilaabay in ay weerar galaan si ay goolka bar-baraha u dhaliyaan.