DAAWO:-Chelsea Oo Guul kala Soo Laabatay FC Porto+SAWIRRO

2059

Chelsea ayaa guul kala soo laabatay Portugal iyadoo laba gool oo nadiif ah ay uga soo talaabsadeen FC Porto oo ay wada ciyaareen lugta koowaad ee wareegga 8-da Champion-ka

Sheekada labaad qeyb: Chelsea ayaa nasiinada ugu dirtay FC Porto hal gool oo nadiifa ah xilli goolhaye Mendy uu bad baadiyay kooxda galbeedka london ka dhisan .

Chelsea inkastoo goolkaas heleen hadana waa ay liiteen waxaana dhanka weerarka halis aheyd FC Porto.

Qeybta labaad Chelsea waxa ay u baahnaayeen badel lagu soo giliyo Odai oo James ma aheyn maalintiisa

Chelsea biloowgii iyaga ayaa maamulka kubadda ku sareeyay basle halis gilin muuqata ma aysan sameyn , waxa uuna goolkooda yimid daqiiqadii 33-aad xilligaas oo uu dhaliyay Mason Mount .

Biloowgii qeybta labaad waa ay u furneyd labada koox xilli Fc Porto fursad xaqiiq aheyd uu ka bad baadiyay Mendy daqiiqadii 50-aad , waxaana xusida mudan KIA iyo Warner ay ku lunsanayaan garoonka.

FC Porto qeybta labaad waxa ay door bidayeen kubadaha meel fog laga toogto maadaama xal ku waayeen kubadaha gaagaaban ee ay geeynayeen goosha Chelsea xilli goolhayaha Porto kubad meel laga soo laaday uu ka bad baadiyay Chelsea daqiiqadii 60-aad

Chelsea waxa ay badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadii 65-aad waqtigaas oo ay soo giliyeen Pulisic iyo Giroud oo loo saaray Warner iyo Kai Havertz waxa ayna ciyaarta aheyd mid iska degan oo ay sii dheer tahay qaladaad dhacayay.

Qeybihii dambe ciyaarta FC Porto weerar ahaan waa ay wacnaayeen Chelsea daafac ayay ahaayeen balse guud ahana deg degsiimo badan laheyn hanaanka ciyaarta .

FC Porto dhamaadkii waa ay dadaalayeen balse waxa ay ka sheegteen in go`aano deg deg qaadanayeen marka afka hore tagaan xilli Chelsea u muuqdeen kuwo aan dooneyn gool labaad balse albabaada u xeranaay goolkii qeybtii hore ay heleen.

Daqiiqadihii geerida Chelsea halis ayay ahaayeen waxa ayna ugu dambeyn heleen gool labaad oo cajiib ah waxaana saxiixay Ben Chilwell waxa ayna aheyd daqiiqadihii 85-aad ka dib qalad weyn oo dhanka daafaca ah oo ka dhacay FC Porto , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay Chelsea guusha ku raacday.