Kooxda chelsea ayaa iska xaadirsay wareega 8 damaadka champions League kadib guul 1/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Atletico Madrid.
Qaybta Hore:
Chelsea ayaa ku bilaabatay kulanka si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore ah dhaliyaan xilli ay Atletico madrid ku bilaabatay caadadeeda oo ahayd in ay difaac gasho.
Inkasta oo laa doonayay in ay dhaliso goolka Bar-Baraha Atletico Madrid ayaa difaac ku jirtay xilli ay Blues qaadaysay weeraro halis ah waliba kubada maamulaysay.
Chelsea ayaa samaysay fursado wakhti hore iyaga oo halis galiyay Goolka kooxda Atletico Madrid xilli ay Difaacdayada Chelsea joojiyeen Suarez una diideen in uu neefsado.
Daqiiqadii 34-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kadib weeraro rogaal celis ah oo ay soo qaaday chelsea.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Chelsea wax walba kaga fiicnayd Atletico Madrid kuwaas oo aan ciyaarta u soo galin in ay badiyaan.
Qaybta dambe:
Chelsea ayaa qayba dambe xitaa ahayd kooxda fiican iyaga oo marar badan halis galiyay goolka Atletico Madrid kuna qasbay Oblack in uu sameeyo badbaadino fiican.
Dhaka kale Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaad mooday in ay Atletico Madrid doonaysay in ay ciyaarta wax ka badasho waxana ay halis galiyeen Goolka chelsea.
Daqiiqadii 90+3-aad ayay chelsea dhalisay goolka ay ciyaarta ku dishay iyaga oo qaaday weerar rogaal celis ah waxana u dhaliyay xiddiga Emerson Palmieri kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo Chelsea gaadhay guul ay u qalantay iskana xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions league.
Dhanka kale Bayern Munich ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Lazio iyaga oo dhankooda iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka champions League siina wadan doona difaacashada tartanka.