Chelsea oo u soo gudubtay wareegga siddeedda ee Champions League-ga+SAWIRRO

219

Kooxda chelsea ayaa iska xaadirisay 8 dhamaadka champions League kadib markii ay garaaceen Dortmund kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Chelsea ayaa u muuqata kuwo soo laabanaya iyaga oo gaadhay guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan isla markaas soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Blues ayaa ahayd kooxda fiican bilowgii ciyaarta iyaga oo Dortmund ku qaaayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Kooxda Tababare Graham Potter ayaa sida roobka u samaysay fursadaha iyaga oo aan ka quusan in ay helaan goolka ay kurayaan ciyaarta.

Kadib dadaal badan kooxda chelsea ayaa daqiiqadii 43-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta ahna goolka bar-baraha ee ciyaarta ku soo celiyay kana dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Chelsea ahayd kooxda fiican dhinac walba soona bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo heer sare ah.

Qaybta dambe ayay chelsea ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo donayay goolal ay ciyaarta hogaanka ugu dheeraystaan kuna dhaliyaan goolal kale.

Daiiqadii 48-aad ayay chelsea heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga Kai Havertz kadib markii VAR caawisay in ay chelsea hesho rikoodhada.

Kadib markii lagu celiyay rikoodhada chelsea ayaa dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Dortmund ayaa wax walba u samaysay sidii ay u soo laaban lahayd iyaga oo qaaday weerar kasta oo ay awoodaan laakiin chelsea aya si fiican u difaacatay goolkeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea ku gaadhay guul 2/0 ah guud ahaana ku gaadhay 2/1 ah iskana xaadirisay wareega 8 dhamaadka koobka champions League.