Chile Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da Cope America+SAWIRRO

1766

Alexis Sanchez ayaa qarankiisa Chile ku hogaamiyay guul ay ka gaareen dhiggooda Ecuador oo a uga talaabnsadeen natiijo dhan 2/1.

Inkastoo Ecuador laga badiyay hadana iyaga ayaa ahaa dhankii ku wacnaa maamulka kubadda waxa ayna heerka kubad hayashadooda gaareysay %55 .

Chile ayaa ku horeeysay goosha waxaana daqiiqaddii 8-aad u saxiixay Jose Fuenzalida balse Valencia ayaa ku bareejeeyay gool rikoore ahaa daqiiqadii 26-aad

Labada qaran ayaa soo bandhigay ciyaar deg degsiimo leh oo u furneyd labada qaran waana laga filan karay goolal waxaana lagu nastay min halkaas gool

Qeybtii labaad , Chile durba gool ayay heleen waxaana u dhaliyay Alexis Sanchez daqiiqaddii 51-aad waxa ayna taasi sii xoojisay xaraaradda ciyaarta .

Sidaas oo ay tahay Ecuador nasiibka ayaa diidanaa oo ah in ay fusrado xaqiiqo ah u turjumaan kubadaha ay ku heleyeen aagga goosha Chile

Ecuador waxa ay heerka kubad haysashooda gaareysay %54 balse Chile waxa ay ciyaarayaan daafac wacan waxaana Ecuador daqiiqaddii 90-aad kaarka cas laga siiyay Gabriel Achilier xilli ciyaarta ay ku dhamaatay 2/1 waxa ayna sidaas Chile isaga xaadriyeen wareegga 8-da ee tartankaas.