Masar Oo Guul Ku Biloowday Tartanka Koobka Qaramada Africa+SAWIRRO

1735

Masar ayaa guul ku furatay tartanka koobka qaramada africa ee caawa ka biloowday dalkeeda waxa ayna hal gool uga taqaluseen Zimbabwe .

Qeybtii hore Masar waxa ay heleen fursado badan balse Zimbabwe ayaa fashilineysay waxa ayna Zimbabwe ciyaarayeen kubad kalsooni leh .

Labada qaran ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurxoon xilli Masar aheyd dhanka baxsadka u aheyd in ay helaan gool waxa ayna ugu dambeyn keeneen daqiiqaddii 41-aad waxaana u saxiixay Mahmoud ‘Trezeguet .

Zimbabwe inkastoo kubad qurxoon oo kalsooni leh ciyaarayeen hadana si sax ah uma aysan tageyn shabaqa Masar waxa ayna heerka kubad hayshada Masar gaareysay qeybtaas hore %55

Biloowgii Qeybta labaad ciyaarta labada qaran waa u furneyd inkastoo Masar ku badneyd maamulka kubadda .

Zimbabwe inkastoo mararka qaar kubadda ay ku badneyn hadan uma muuqan kuwo abuuri kaar halis muuqata waana laga dar dar wacnaa .

Qeybihii dhexe Masar maamulka kubadda iyaga ayaa la wareegay waxa uuna Mohamed Salah dagaal ugu jiray in uu shabaqa soo taabto waxa uuna uu shabaqa Zimbabwe kala daalay laadad xilli heerka maamulka kubada Masar ay gaartay %55

Dhamaadkii Zimbabwe waa ay soo weerar tagayeen balse ma sameyn halis gillin muuqata waxaana ku adkaa in kubadda ay ku daahdo cagtooda , waxa ayna ugu dambeyn ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay Masar guusha ku raacday , waxa ayna labada qaran ku jiraan Group-ka A.