Ciidamada AMISOM oo ka guuraya Kulliyadda Jaalle Siyaad

1894

Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay isaga guuraan Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho halkaas oo mudo dhowr sano ah ay gacanta ku hayaan.

Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta tagaya Kulliyadda Jaalle Siyaad si ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya loogu wareejiyo.

Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa waxaa ay ka mid tahay Saldhigyada ugu weyn ee Muqdisho ee Ciidamada AMISOM,waxaana AMISOM ay dhawaan sheegtay in ay dayactir ku sameysay maadaama dagaaladii sokeeye ay ku bur bureen dhismayaasha qaar ee Kulliyadda.

Waa Saldhigii Saddexaad ee Ciidamada AMISOM ay ka guuraan Magaalada Muqdisho,waxaana ay horay uga guureen Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr.