Ciidamadii Sheekh Shaakir ee ka baxay Guriceel oo lacago loo qeybiyay+SAWIRRO

1525

Ciidamada taabacsan kooxda Ahlu Sunna ee dhawaan dagaalka xoogan magaalada Guriceel kula galay ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa loo qeybiyay lacago lagu sheegay mushaaraad.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Ahlu Sunna ee ka baxay magaalada Guriceel fariisintana ka dhigtay deegaanka Bohol ayaa loo qeybiyay lacago mushaaraad ah oo ka yimid hogaanka sare ee Ahlu Sunna.

Askari walbo oo katirsan ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol ayaa midkiiba la siiyay lacag gaareysa 200-Dollar oo mushaar ah, waxaana lacagtan u qeybiyay saraakiisha ciidankaasi hogaamisa uu ugu horeeyo Abdulqadir Xaaji Diiriye (Hambacor) .

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa fariisimo cusub ka dhigtay deeegaanka Bohol oo kuyaala duleedka magaalada Dhuusomareeb, waxaana ciidanka Ahlu Sunna ku jira kuwa ka goostay milatariga Soomaaliya oo horey uga yimid dhinaca Ahlu Sunna.