Ciidamadii ugu badnaa ee Gorgor oo Muqdisho lakeenay+SAWIRRO

2000

Ururka 15aad ee Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandoska Gorgor ee ciidanka Xoogga dalka oo tababar sare ku soo qaatey dalka Turkiga ayaa soo gaarey Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo sarakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hambalyo u diray ciidamada tababarku u soo dhamaaday

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in DFS ay ku howlan tahay dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, isagoo dowladda Turkiga uga ugu mahadceliyey Taageeradda ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.