Ciidamo farabadan oo loo diyaariyay wajiga labaad ee ladagaalanka Al-shabaab +SAWIRRO

199

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasoo loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga koowaad ee al-shabaab looga saarayo degaanada ay ka joogaan Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga koowaad ee dagaalka halkaasoo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkan.

Dhawaan ayay ahayd markii deegaano ka tirsan Galmudug ay gaareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga, kuwaas oo booqaday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug.

Saraakiishan ayaa u sheegay ciidamada inay u diyaar garoabaan howlagalka ka billaabanayo Galmudug si Al-shabaab looga saaro degaanada ay weli ka joogaan gobolkaas.