DAAWO:-Cali Jeyte oo Maanta loo doortay madaxweynaha Hiiraan State

225

Kulan maanta ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu doortay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee maamulka Hiiraan State inuu noqdo Cali Jeyte Cismaan.

 

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baledweyne, waxaana madaxweyne ku xigeenka ku meel gaarka ah ee maamulka Hiiraan State loo doortay Axmed Cismaan Cabdalla Inji.

Waxaa sidoo kale madashada doorashada ay ka dhacday goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Fedaraaalka Soomaaliya oo kala ah Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Maxamed Cabdullaahi Buraalle.

Cali Jeyte oo doorashadiisa kadib la hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono habacsanaanta maamul oo ay tabanayaan dadka reer Hiiraan.

”Dhamaan Beelaha Hiiraan ayaan isku keenaynaa maamul ay iyaga lee yihiin’ ayaa dhisaya, malinkasta mana lagu xisaabtamaayo Hiiraan anaa Hogaaminaa oo Alshabaab ka saara, anoo warqad maskiin ah ku jooga ayaan amniga wax badan ka qabtay adinkoo i doortayna ka badan ayaan qaban doona” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Doorashadaan Maanta ka dhacday Baledweyne ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan Cali Jeyte laga qaaday xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan, hayeshee maalmo kooban kadib maanta loo doortay madaxweynaha ku meel gaarka ee Hiiraan State.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabelle oo ku aadan doorashada maanta ka dhacday Baledweyne, waxaasa la filaya in saacadaha soo socda ay war kasoo saaraan.