Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno Koonfurta magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wreegeen Kantaroollada laga soo galo Magaaladaas.
Ciidanka oo ah kuwo aad u farabadan ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwo gadoodsan, isla markaana ay ka cabanayaan Mushaar la’aan bilooyinkii ugu dambeeyay soo wajahday oo aysan heli xuquuqdii ay lahaayeen, dadka deegaanku waxay sheegeen in Ciidanka Daraawiishta Galmudug ay qabsadeen saddexda Koontarool ee laga soo galo koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo haatan aysan ku sugan yihiin halkaas.
Ciidamadaan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay xireen isku socodka gaadiidka, isla markaana ay diidayaan in gaadiid ka baxo ama soo galo Magaalada, Koonfurta magaalada Galkacyo oo maamulka Galmudug ka arrimiyo.
Ilaa iyo hadda Saraakiisha Ciidanka Galmudug ayaa ka hadlin Ciidanka la wareegay saakay Kantaroollada laga soo galo Gaalkacyo, hayeeshee waxaa la tilmaamay inay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in Ciidanka dib loogu celiyo xeryahooda.