Ciidamo hor leh oo lageeyay Belad-xaawo +SAWIRRO

1362

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay ciidamo hor leh geysay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo kuwaasoo ku hubeysan Gaadiid dagaal.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ah ciidamo maalmo ka hor laga dejiyay degmada Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo laga duuliyey magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ee NISA ay safar dhulka ku tageen degmada Beled-Xaawo

 

Taliyaha Howlgalinta Jubooyinka ee Ciidamada dowladda, Bakaal Kooke, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Gedo C/qaadir Cumar Biixi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda ayaa degmada Beled-Xaawo ku soo dhaweeyay ciidamadan iyo saraakiishooda.