DAAWO:-Ciidamo la wareegay Xafiiska Rooble

1272

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka oo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo in la dhigay albaabka laga galo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo sidoo kale guriga uu degan yahay Rooble.

Ciidamadan ayaana gabi ahaan saakay diiday in la galo xafiiska uu ku shaqeeyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana saakay albaabada laga soo celiyay shaqaalaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo sidii caadiga ahaa u shaqo tagay.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan oo ah kuwa koofiya casta ayaa ku amray shaqaalaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha in dib ugu laabtaan guryahooda ayna jirto xaalad aysan u faah faahin.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana ku jira gurigiisa oo ku dhax yaala Madaxooyada, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in ciidamo badan sidoo kale la dhigay guriga uu degan yahay ayna adag tahay in halkaasi kasoo baxo.

Arriamahn ayaa imaanaya xili xalay Madaxweyne Farmaajo uu shaqada ka joojiyay Ra’isul Wasaare Rooble uu ku eedeeyay in uu sameeyay musuq maasuq, waxa ayna talaabadan uga sii dartay xaalada siyaasadeed ee dalka.