Ciidankii ugu Badnaan Ee Soomaaliyeed Oo Muqdisho Gaaray…

1621

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Xasan Cali (ammar dambe), ayaa sheegay in uu socdo dedaal lagu soo celinayo tayadii Ciidanka xoogga Dalka soomaaliyeed uu lahaa waagii hore.

Mudane; Ammar dambe, oo warbaahinta Dowladda la hadlayay ayaa uga mahad celiyay Dowladda Turkiga doorkii ay ka qaadatay tababarka Ciidanka xoogga, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay in ay soo laabato tayadii uu Ciidanka Xoogga Dalku lahaa.

Wuxuu sheegay Wasiirku in Ciidankani tababarka soo dhammeystay ay ka horreysay Guutada Gor-gor, oo haatanba qeyb ka ah howl-galka lagula dagaallamayo Al-Shabaab ee ka socda Dalka..