Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Lugta Dahabka 2020 +SAWIRRO

1526

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay Abalaamirinta Lugta Dahabka ah ee sanadka 2020 taas oo la siiyo xiddigaha ka da’da weyn 28 sano ee sida fiican u cyaaray.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa loo sheegay in uu ku guulaystay Abaalmarinta 1 bishii December laakiin xalay la gudoonsiyay abaalmarinta.

“Sharaf ayay ii tahay in aan ku guulaysto abaalmarinta oo ay horay ugu soo guulaysteen xiddigo badan oo Halyeeyo kubada cagta ah”ayuu Ronaldo ku soo qoray Instagram.

Markan ayaa ah markii 18-aad ee la bixiyo Abaalmarinta iyada oo uu Ronaldo noqday xiddigii ugu horeeyay ee Portugal ah ee ku guulaysta abaalmarinta.

Ronaldo ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Lionel Messi, Robert Lewandowski, Giorgio Chiellini, Neymar, Sergio Ramos, Sergio Aguero, Gerard Pique, Mohamed Salah & Arturo Vidal.

 

Halkan Hoose Kaga Bogo 17-kii xiddig ee hore ee ku guulaystay abaalmarinta:

  1. Roberto Baggio (2003)
  2. Pavel Nevded (2004)
  3. Andriy Shevchenko (2005)
  4. Ronaldo Nazario (2006)
  5. Alessandro Del Piero (2007)
  6. Roberto Carlos (2008)
  7. Ronaldinho (2009)
  8. Francesco Totti (2010)
  9. Ryan Giggs (2011)
  10. Zlatan Ibrahimovic (2012)
  11. Didier Drogba (2013)
  12. Andres Iniesta (2014)
  13. Samuel Eto’o (2015)
  14. Gianluigi Buffon (2016))
  15.  Iker Casillas (2017)
  16. Edinson Cavani (2018)
  17. Luka Modric (2019)