Man United Oo 6 Goolal Ku Xasuuqday Leeds United +SAWIRRO

1417

Kooxda Man United ayaa xasuuq kubadeed kula kacday kooxda Leeds United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League oo ka dhacay garoonka Old Trafford.

Qaybta Hore:

Man United ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh oo ayna cidna filayn iyaga oo Leeds United kuwaas oo aan ciyaarta bilowgeeda la bilaaban.

Daqiiqadii 2-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Scott McTominay kaas oo goolasha u furay kooxdiisa.

Laakiin isla daqiiqadii 3-aad ayay Man United sii waday goolasha iyaga oo Leed Ka dhaliyay gool kale isala markaasna uu u dhaliyay isla xiddiga Scott McTominay kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Leeds United ayaa ka naxday labada gool ee deg-deg ah waxana ay isku dayeen in ay ciyaarta ku soo laabtaan laakiin waxa ay iska khasaariyeen fursad cad oo gool loo filanayay.

Man United ayaa arintaas ku ciqaabtay Leeds United waxana ay daqiqiadii 20-aad ka dhaliyeen goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0

Kooxda Man United oo doonayay in ay ciyaarta wakhti hore dilaan 3-da dhibcoodna qaybta horeba jeebka ku shubtaan ayaa sii waday weerarada.

Daqiiqadii 37-aad ayay Heleen goolkii 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay daafaca dhexe ee Victor Lindelof kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Kooxda Leeds United ayaa daqiiqadii 42-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Liam Cooper kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United si qurux badan u ciyaartay waliba 3-da dhibcood xaqiiqiiqsatay qaybtii hore.

Qaybta Dambe:

Man United ayaa qaybtii dambe dadaalkooda hoos u dhigtay laakiin helayay fursado cajiib ah oo ay goolal ka dhalin karaan.

Dhanka kale Leeds United oo aad mooday in uu nasiibku ka soo hor jeedo ayaa helay fursado dhawr ah oo ay goolal ku dhalin kareen.

Daqiqiadii 66-aad ayay Man United dhalisay goolka 5-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Daniel James kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.

Man United ayaa goolkii 6-aad dhalisay daqiiqadii 70-aad iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 6/1.

Kooxda Leeds United ayaa daqiiqadii 73-aad dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Stuart Dallas kaas oo ciyaarta ka dhigay 6/2.