Arsenal Vs Man City, Man United Vs Everton & Wakhtiga La Ciyaari Doono Quarter-Final-ka Carabao Cup

1556

Waxa xalay la soo afjaray wareega 16-ka tartanka Carabao Cup iyada oo wareega Quarter-Final-ka tartanka iska xaadiriyeen kooxo 8 ah kuwaas oo u tartami doona tartanka.

Kulamada ugu adag ee ka dhici doona wareega Quarter-Final-ka Carabao Cup-ka ayaa ah kulamada Arsenal Vs Man City iyo Man United Vs Everton.

Kooxaha waaweyn ee isugu soo hadhay tartanka ayaa doonaya in ay iska xaadiriyaan wareega xiga ee Semi-final-ka si ay tartanka ugu guulaystaan xilli ciyaareedkan.

Kulamada 8 Dhamaadka tartanka tartanka Carabao Cup ayaa dhamaan la ciyaari doonaa 22 iyo 23 bisha December ee soo socota.