Arsenal Oo Iska Xaadirisay Wareega 8 Dhamaadka Carabao Cup-ka +SAWIRRO

1570

Kooxda Arsenal ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka Carabao Cup-ka kulan ka dhacay Anfield kadib markii ay garaacday kooxda Kooxda Liverpool.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar taxadar leh inkasta oo ay ku soo galeen shaxdooda kaydka.

Kooxda Liverpool ayaa guud ahaan ahayd kooxda awooda badan iyaga oo Arsenal kaga fiicnaa dhanka kubad haysashada iyo waliba dhanka maamulista ciyaarta.

Arsenal ayaa iyadu bilowgii ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo sameeyay fursado yar-yar xilli ay Liverpool ay la qabsanaysay ciyaarta.

Reds ayaa kadib la wareegtay ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado halis ah oo ay gool ku dhalin kareen ciyaarta qaybtii hore.

Laakiin Goolhaye Bernd Leno ayaan odhan karnaa waxa uu ahaa xiddiga ugu fiican kulanka marka la eego fursadaha uu ka badbaadiyay Liverpool.

Ka hor dhamaadkii qaybtii hore ayay Liverpool dar-dar galisay weerarka ay ku hayso Liverpool iyaga oo xitaa Gunners u garaacay birta.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba si taxadar leh u ciyaareen laakiin Liverpool awood badnayd.

Qaybtii dambe ayay Arsenal hor tagtay goolka Liverpool in ka badan qaybtii hore iyaga oo Goolhaye Adrien ku qasbay in u sameeyo badbaadino fiican.

Dhanka kale Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican dhanka fursadaha laakiin Goolhaye Leno ayaa bir aan la loodin karin ku noqday isaga oo ka badbaadiyay kubado halis ah.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa iyo 3 daqiiqo oo lagu daray waxana ay labada kooxood ku fashilmeen in ay wax gool ah ah kala dhaliyeen.

Labada Kooxood ayaa rikoodhe isla tagay waxana ay guushu raacday kooxda 4 iyo 3 iyaga oo sidaas isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka Carabao.